TOOS, Trump oo sheegay inuu joojinayo weerarrada ka dhanka ah Iran iyadoo taasi ay ku xiran tahay in heshiis 'si degdeg ah' loo gaaro

Trump wuxuu sheegay in go'aanka la qaatay iyadoo lala kaashanayo Israa'iil. Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo warbaahinta Mareykanka ay sheegayaan in Washington ay qorsheyneysay weerarro cusub oo xooggan oo ka dhan ah Iiraan dhammaadka toddobaadka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Rubio: Beddelidda nidaamka Iiraan waxay ka dhigan tahay in la beddelo dabeecadda iyo hab-dhaqanka dowladda

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in hadalka ku saabsan "isbeddelka nidaamka" ee Iiraan aanu khasab ahaan ula jeedin in dowladda si buuxda loo rido, balse uu ula jeedo in la beddelo hab-dhaqanka iyo dabeecadda nidaamka.

    Wareysi uu siiyay Fox News, ayuu ku yiri: "Waxaa dhici karta inaanan arkin isbeddel nidaam oo macnihiisu yahay in dowladda gebi ahaanba la afgambiyo, balse dabeecadda nidaamka laftiisa waa inay is beddeshaa."

    Rubio wuxuu intaas ku daray: "Dabeecadda nidaamka Iiraan mar walba waxay ahayd mid faragelin iyo ballaarin ku saleysan. Kuma eka inay Iiraan maamulaan oo keliya, balse waxay doonayaan inay gobolka oo dhan saameyn ku yeeshaan. Arrintaas waa inay is beddeshaa, waxaana lagu beddeli karaa oo keliya iyadoo lagu soo rogo kharash aysan awoodi karin inay sii bixiyaan."

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay inuu jiro farqi u dhexeeya "isbeddelka nidaamka" iyo "beddelidda hab-dhaqanka nidaamka", maaddaama, sida uu sheegay, in dowladda lagu qasbo inay beddesho dhaqankeeda aanay lahayn meel cad oo ay ku dhammaato.

    Wuxuu intaas ku daray in heshiis nukliyeer la saxiixi karo, isla markaana la xaqiijin karo fulintiisa, balse ku qasbidda dowlad inay ka tanaasusho istaraatiijiyaddeeda gobolka ay tahay geeddi-socod joogto ah, sidaas darteedna cadaadiska lagu hayo uusan yeelan doonin dhammaad dabiici ah oo cad.

  2. Saddex qof oo ku dhintay qarax ka dhacay maqaaxi ku taalla Moscow

    Moscow

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, halka 21 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii walax qarax oo gacanta lagu sameeyay lagu qarxiyay maqaaxi Talyaani ah oo ku taalla magaalada Moscow, sida ay warbaahinta dowladda Ruushka kasoo xigatay saraakiisha amniga.

    Qaraxa ayaa dhacay abbaare 8:00 fiidnimo waqtiga Moscow (17:00 GMT), wuxuuna ka dhacay Fagaaraha Kudrinskaya, oo u dhow bartamaha magaalada.

    Guddiga Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada ee Ruushka (NAK) ayaa sheegay in haweeney sidatay walxaha qarxa ay isku dayday inay gasho maqaayadda, balse uu hor istaagay ilaalo amni. Intaas kaddib ayuu walxihii qarxay, waxaana ku dhintay haweeneydii, waardiyihii amniga, iyo qof marti ku sugnaa maqaayadda.

    Maqaayadda, oo ku taalla mid ka mid ah dhismayaasha dhaadheer ee caanka ah ee xilligii Stalin, ayaa xilligaas martigelinaysay munaasabad gaar ah.

    Mas'uuliyiintu wali ma shaacin cidda ka qeybgalaysay munaasabadda, mana aysan sheegin cidda ay rumeysan yihiin inay ahayd bartilmaameedka weerarka.

    Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawac culus qaba oo dhiig qariyay laga soo saarayo goobta qaraxa.

    Wararkii ugu horreeyay ayaa sheegayay in qaraxu ka dhacay jikada maqaayadda, hase yeeshee maamulka maqaayadda ayaa markii dambe soo saaray war ay ku sheegeen in "dhibaatadu ay ka dhacday bannaanka maqaayadda."

    Waddooyinka ku hareeraysan Fagaaraha Kudrinskaya ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiray. Tobannaan qof oo baaskiillo wata oo qorsheynayay inay fiidkii ku maraan magaalada ayaa isugu yimid agagaarka goobta, balse munaasabaddii waa la baajiyay.

    Warar dheeraad ah:

  3. War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay go'aan ku saabsan Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israa'iil ay xilligan ka baaqsanayaan inay weeraraan Iiraan, kadib codsi uga yimid dowladda Tehran iyo dalal ku yaalla Bariga Dhexe.

    Hore, warbaahinta Axios ayaa sheegtay in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu Donald Trump ku boorriyay inuu yareeyo xiisadda isla markaana uu ka baaqsado weerar ballaaran oo lagu qaado Iiraan.

    Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqchi, oo xiriir la sameeyay mas'uuliyiin ka tirsan dhowr dal oo gobolka ah, ayaa ka digay in weerar kasta oo ay Mareykanka ama Israa'iil ku qaadaan Iiraan ay Tehran kaga jawaabi doonto "jawaab adag oo go'aan leh."

    Warar dheeraad ah:

  4. Sacuudiga oo Mareykanka ugu baaqay inuusan weerar ballaaran ku qaadin Iiraan

    Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Weriyaha warbaahinta Axios, Barack Ravid, ayaa sheegay, isaga oo soo xiganaya laba sarkaal oo Mareykan ah iyo ilo kale oo xog-ogaal u ah arrinta, in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu walaac ka muujiyay qorshe suurtagal ah oo Donald Trump uu ku qaadi karo weerarro cusub oo ballaaran oo ka dhan ah Iiraan. Walaacan ayuu ku sheegay intii lagu jiray wada-hadal taleefan oo ay yeesheen Sabtidii.

    Sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka, Sacuudiga ayaa codsaday in loo caddeeyo faahfaahinta qorshaha hawlgalka ee Mareykanka. Ilo kale ayaa sheegay in Dhaxal-suguhu uu Donald Trump ka codsaday inuu dejiyo xiisadda isla markaana uu ka baaqsado fulinta weerarrada la qorsheynayo.

    Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweyne Trump uu si dhab ah uga fiirsanayo inuu maalmaha soo socda weerarro ku qaado xarumaha tamarta ee Iiraan, hase yeeshee aanu weli soo saarin amar kama dambeys ah. Aqalka Cad iyo Safaaradda Sacuudiga ee Washington labaduba way ka gaabsadeen inay faallo ka bixiyaan wada-hadalka taleefanka.

    Axios ayaa sidoo kale sheegtay in Qatar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Turkiga, iyo Pakistan ay iyaguna wadaan dadaallo lagu dejinayo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan.

    Dhexdhexaadiyeyaasha Qatar ayaa Sabtidii si goonni-goonni ah ula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqchi, Steve Whittaker, iyo saraakiil ka socday Cumaan, si ay uga wada hadlaan heshiis dib loogu furayo marin-biyoodka Hormuz.

    Ilo xog-ogaal u ah wada-hadallada ayaa sheegay in horumar kooban la gaaray, balse aan weli la hubin in horumarkaas uu ku filnaan doono ka hortagga in xiisaddu ay sii kororto.

    Warar dheeraad ah:

  5. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Yurub ayaa codsaday markab dagaal oo dheeraad ah si loo difaaco Israel

    Washington Post, oo xiganaysa saraakiil Mareykan ah oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka ee Yurub uu toddobaadkan warqad sir ah u diray wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, isagoo u sheegay in aysan haysan awood ku filan oo dhinaca ciidamada badda ah si ay u sii wadaan in ay Israel ka sii difaacaan gantaallada ridada dheer ee lagu weerarayo dalkaas.

    Sida uu sheegay wargeyska oo xiganaya saraakiishaas, Jeneraal Alexus Grynkewich, oo ah taliyaha taliska Yurub ee ciidamada Mareykanka, ayaa warqaddiisa ku sheegay in haddii aan loo qoondayn markab kale oo dagaal, uu ku qasbanaan doono in uu kala hormariyo difaaca Mareykanka iyo kan Israel.

    Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sheegay in digniinta uu bixiyay Jeneraal Grynkewich ay waafaqsan tahay habraaca caadiga ah ee taliyeyaasha sare ee militariga.

    "Waxay Pentagon-ka u diraan digniinno noocan oo kale ah marka ay arkaan khataro u baahan in Washington ay go'aan ka gaarto," ayuu yiri sarkaalka.

    Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in xaaladahan ay inta badan dhacaan marka taliyeyaasha ciidamada ay doonayaan agab ciidan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  6. Mareykanka ayaa digniin amni u diray muwaadiniintiisa ku sugan Bariga Dhexe

    Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad iyo qunsuliyadda Erbil ayaa soo saaray digniin dhanka ammaanka ah oo ay ugu sheegayaan mawaadiinta Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe in ay u diyaar garoobaan in ay ka baxaan gobolka.

    Qoraal lagu daabacay barta X ee safaaradda ayaa sidan lagu yiri, “iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, xaaladda amni weli waa mid adag, waxaana suuragal ah in si lama filaan ah ay uga sii darto.”

    Muwaadiniinta Mareykanka ee hadda ku sugan Bariga Dhexe ayaa ku jira taxadar dheeri ah, waxayna u diyaargaroobeen in duullimaadyada istaagaan oo hawada la xiro ama safarekooda carqalad ku timaada.

    "Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee gobolka ayaa dib u dhigay dib u bilaabista duullimaadyadii hore loo qorsheeyay, halka kuwo kalena ay gabi ahaanba joojiyeen qaar ka mid ah duullimaadyada."

    Sidoo kale, safaaradda Mareykanka ee Urdun iyo Safaaradda Mareykanka ee Qudus ayaa iyaguna soo saaray digniino la mid ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  7. Doonn laga leeyahay Iran oo ku luntay badda Cumaan

    Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa sheegtay in tan iyo 7-dii May, maalmihii ugu horreeyay ee xabbad joojinta Iran iyo Mareykanka, la waayay doon kalluumeysi oo ay la socdeen toddoba iyo toban shaqaale ah.

    Sida warbixinta lagu sheegay, ma jiro wax war ah oo ku saabsan doontaan kalluumeysiga ah tan iyo markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ay rasaas ku fureen maraakiibta badda Cumaan xilligaasi, iyagoo doonayay inay kala eryaan maraakiibta.

    IRNA ayaa ku warantay in magaca doonida lagu magacaabo Shahin 2, dadka la socdana ay yihiin kalluumaysato kasoo jeeda deegaanka Konarak ee gobolka Hormozgan.

    Sida laga soo xigtay warbixintan, xiriirkii ugu dambeeyay ee doontaan wuxuu ahaa daqiiqo subaxnimadii May 7, oo ay 70 mayl u jirtay xeebta Cumaan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  8. Sarkaal Israa'iil u dhashay oo ku dhawaacmay dagaal dhexmaray ciidamada Xisbullah iyo Israas'iil

    Ciidamada Israa'iil ayaa shaaciyay in mid ka mid ah askartooda uu ku dhaawacmay xalay intii lagu guda jiray "isku-dhac fool-ka-fool ah" oo dhexmaray iyaga iyo xoogagga Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, inkastoo uu jiro heshiis xabbad-joojin ah.

    Ciidamada Israa'iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in askariga dhaawacmay uu ahaa sarkaal ciidan.

    Wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan Beirut ayaa sheegtay inay la xiriirtay Xisbullah si ay u hesho jawaabtooda ku aaddan warkaas, balse kooxdu kama aysan hadlin arrintaas.

    Xisbullah ayaan wax mas'uuliyad ah ka sheegan wax weerarro ah muddo ku dhow hal bil iyo bar.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  9. Mareykanku wuxuu gobolka ku riixaya dagaal baahsan, sida uu sheegay taliye Irani ah.

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ali Abdullahi, oo ah taliyaha Xarunta Taliska Khatam al-Anbiya — oo ah hay'adda masuulka ka ah maamulka dagaalka Iran — ayaa bayaan laga sii daayay telefishinka qaranka ku sheegay in "Mareykanku uu si xawli ah ugu sii socdo dagaal heer gobol ah, sababo la xiriira istiraatiijiyad khatar ah oo ujeeddadeedu tahay ballaarinta iyo helitaanka awood-sheegasho sharci-darro ah oo ka jirta guud ahaan gobolka."

    Ali Abdullahi ayaa intaas ku daray in Mareykanku uu dagaalkiisii ​​ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Iran ku caddeeyay inuusan "ka waabanayn inuu waxyeelleeyo ama xitaa burburiyo danaha iyo kheyraadka Muslimiinta si uu u gaaro ujeeddooyinkiisa gurracan."

    Sida ay sheegtay BBC-da Carabiga, Taliye Ali Abdullahi ayaa uga digay waddamada gobolka inay la shaqeeyaan Washington inta lagu guda jiro khilaafka, isagoo yiri: "Waddan kasta oo Mareykanka u adeegsada gaashaan difaac ah, waxaa gubi doona dabka dagaalka."

    Wuxuu ku boorriyay waddamada Islaamka inay dib u eegis ku sameeyaan xiriirka ay la leeyihiin Mareykanka, wuxuuna sheegay inay tahay inay garwaaqsadaan in Washington ay ka faa'iidaysanayso raasamaalkooda, hantidooda, kaabayaasha muhiimka ah iyo kheyraadka istiraatiijiga ah, isla markaana ay u adeegsanayso "gaashaan difaac u ah ciidankeeda, iyadoo isla markaasna xoojinaysa amniga 'dawladda sahyuuniga '."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  10. Waxaan burburinnay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadowga: Ciidamada Kuwait ayaa sidaas sheegay.

    Ciidamada milatariga Kuwait ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inay ogaadeen oo ay burburiyeen "diyaarado aan duuliye lahayn oo cadawga leeyahay" kuwaas oo soo galay hawada dalka tan iyo subaxnimadii maanta.

    Sida ay sheegeen ciidamada Kuwait, 'weerar ay Iiraan qaadday' ayaa sidoo kale lagu beegsaday goobo muhiim ah oo dalka ku yaalla.

    Milatarigu waxay sheegeen in la beegsaday xarun dowladeed oo ku taal waqooyiga Kuwait iyo goobo rayid ah oo xiriir la leh shirkad ka hawlgasha jasiiradda Bubiyan.

    Sida lagu sheegay bayaanka, burbur ayaa ka dhashay haraadiga iyo qaybo ka mid ah walxaha weerarka loo adeegsaday oo soo dhacay, balse lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  11. Qatar oo sheegtay inaysan waxba ka ogeyn saddex duuliye oo u dhashay Iran: Afhayeenka ciidamada Iran.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeenka ciidamada Iran, Amir Mohammad Akramian, ayaa sheegay in "Qatar ay sheeganayso inaysan waxba ka ogeyn saddexdii duuliye ee Iran u dhashay ee la waayay ka dib markii ay soo rideen nidaamyada difaaca cirka ee Qatar bishii Maarso ee sanadkan."

    Isagoo ka hadlayay barnaamij laga baahiyay telefishinka dowladda, ayuu Amir Mohammad Akramian yiri, "Baaritaankeenii weli wuu socdaa, balse Qatar waxay sheeganaysaa inay waxba ka ogeyn saddexdan duuliye," sida ay ku warrantay BBC Persian.

    Sida ay sheegeen warbaahinta Iran, 11-kii Maarso 2026, laba diyaaradood oo dagaal oo noocoodu yahay Sukhoi-24 kana tirsan Ciidanka Cirka ee Iran ayaa weeraray saldhigga cirka ee Al-Udeid ee dalka Qatar, balse waxaa soo riday nidaamyada difaaca cirka ee Qatar xilli ay ku soo laabanayeen dhanka Gacanka Carabta (Persian Gulf).

    Sida ay wararku sheegayaan, meydka Major Majid Kazemi, oo ahaa duuliyihii mid ka mid ah diyaaradahaas, ayaa dhawaan dib loogu celiyay Iran, iyadoo aan weli la helin wax xog ah oo la hubo oo ku saabsan saddexda duuliye ee kale ee Iran u dhashay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  12. Ciidamada Israa'iil oo gudaha u galay magaalada Asira al-Shamaliyah oo dhacda waqooyiga Nablus

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa, ciidamada Israa'iil waxay weerareen tobanaan guri oo ku yaal magaalada Asira al-Shamalia, oo ku taal waqooyiga magaalada Nablus ee Daanta Galbeed ee la haysto, subaxnimadii hore ee Sabtida.

    Iyada oo soo xiganaysa ilo amni, Wafa ayaa tiri, "Ciidanka Israa'iil waxay galeen meelo kala duwan oo magaalada ah waxayna baareen dhowr guri."

    Sida laga soo xigtay warbixinta, saraakiisha Israa'iil waxay guri ku ururiyeen dhowr muwaadin oo Falastiiniyiin ah waxayna ka dhigeen xarun su'aalo weydiin oo ku meel gaar ah, halkaas oo lagu wareystay.

    Warbixinta Wafa isla markiiba ma soo sheegin wax xarig ah ama khasaare ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  13. Xuutiyiinta oo beeniyay in ay lacag ka qaadayaan Maraakiibta maraysa Badda Cas

    Markab

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hay’adda Isku-xidhka Arrimaha Badda ee ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen ayaa beenisay wararka sheegaya in kooxdu qorsheynayso in ay canshuur ama khidmad ka qaaddo maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka Baab al-Mandab.

    Hay’addu waxay bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay in “aan wax go’aan ah laga gaadhin arrintan, isla markaana maritaanka maraakiibta ee marin-biyoodkan muhiimka ah uu weli yahay mid xor ah.”

    Jawaabtan ayaa timid kaddib markii wakaaladda wararka ee Reuters ay Arbacadii sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan gobolka, in dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Iiraan taageerto uu qorshaynayo in uu lacag ka qaado maraakiibta ganacsiga ee mara koonfurta Badda Cas, kaddib markii Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqday xannibaad badeed.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  14. Israa’iil ayaa sheegtay in aanay ciidammadeeda kala bixi doonin Gaza ilaa ay Xamaas “si buuxda hubka u dhigto.”

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mas’uul sare oo Israa’iili ah ayaa sheegay in ciidammada Israa’iil anay ka bixi doonin goobta ay hadda kaga sugan yihiin Gaza ilaa kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ay “si dhab ah hubka u dhigto.” Dhanka kale, Xamaas ayaa sheegtay in ay wareejin doonto hubkeeda culus oo keliya haddii Israa’iil ay joojiso “dhammaan noocyada gardarrada ah” ee Gaza isla markaana ay ciidammadeeda oo dhan kala baxdo. Arrintan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Guddiga Nabadda uu gaadhay heshiis ku saabsan “hub ka dhigis buuxda” oo lagu sameeyo Xamaas iyo kooxaha kale ee hubaysan ee Gaza.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  15. Caddaymo cusub oo muujinaya in khasaare uu soo gaadhay saldhigyada Maraykanka xidhiidhka la leh ee Bariga Dhexe

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida lagu sheegay baaritaan ay samaysay BBC Verify, weerarrada Iiraan ayaa sababay burbur dheeraad ah oo soo gaadhay saldhigyo millitari oo xiriir la leh Maraykanka iyo xarumo rayid ah oo ku yaalla dalal Carbeed oo dhowr ah, inkastoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu hore u sheegay in awoodaha millitari ee Tehraan la burburiyay.Kooxda baaritaanka ee BBC Verify ayaa heshay caddaymo muujinaya waxyeello ka soo gaadhay ugu yaraan sagaal saldhig millitari iyo xarumo muhiim ah oo ku yaalla Kuwait, Baxrayn, Ciraaq iyo Urdun, kaddib markii xiisadaha cusub ay billowdeen 12-ka July 2026.

    Falanqaynta sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaysa in caddaymo cusub oo ku saabsan burburka goobahan oo soo baxay tan iyo 12-ka July, halka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu bishii Juun 2026 sheegay in awoodaha millitari ee Iiraan ay ahaayeen “kuwo la burburiyay.”

  16. Trump oo ka hadlay cidda gaysatay weerar internet-ka ah oo ka dhacay Minnesota

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu rumaysnayn in Iiraan ay ka dambeysay weerarkii dhowaan lagu qaaday nidaamyada biyaha ee gobolka Minnesota, inkastoo warbixinno ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah saraakiisha Maraykanka ay tuhunsan yihiin doorka ay Tehran ku leedahay arrintan.

    "Waxaan maqalnay in uu jiray weerar dhanka internetka ah oo ka dhacay Minnesota, waxaana lagu eedeynayaa Iiraan," ayuu Trump ka sheegay kulan golaha wasiirrada ah, sida ay sheegtay Reuters. "Anigu sidaas uma malaynayo," ayuu yidhi, isagoo eedda dusha ka saaray mas'uuliyiinta gobolka iyo Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota Tim Walz, isaga oo aan soo bandhigin wax caddayn ah.

    Mr. Walz ayaa kaga jawaabay oo sheegay in Donald Trump uu og yahay cidda ka dambeysay weerarka, isla markaana gobollo kale oo Maraykan ahna la beegsaday.

  17. Walax aan la aqoonsan oo ku dhacday Markab shidaal marayay meel u dhow Cummaan

    Hay’adda UK ugu qaybsan Hawlgalka Gancsiga Bahdaha ayaa ku sheegtay in markab shidaal sid ay ku habsatay walax aan weli la aqoonsan, xilli uu marayay qiyaastii meel 20 km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Liwa ee Cummaan.

    Sida uu sheegay mas’uulka amniga ee shirkadda leh markabka, walaxda ku dhacday waxay waxyeello u gaysatay qolka matoorka, taasi oo sababtay in markabku aanu mar dambe awoodin in uu iskiis u sii wato safarkiisa.

    Ciidanka ilaalada xeebaha ee deegaanka ayaa lagu wargeliyey dhacdada, waxaana ay mas’uuliyiintu bilaabeen baaritaan ku saabsan weerarka.

  18. Iiraan ma waxay nabadda ka doorbixdaysaa dagaal xaddidan oo ay la gasho Maraykanka?, Amir Azimi, BBC Persian

    Sida ay falanqeeyayaashu qabaan, weerarkii lama filaanka ahaa ee Iiraan ay dhowaan ku qaadday saldhig Maraykan ah oo ku yaalla Urdun wuxuu u ekaa mid aan si fudud loo fahmi karin. Weerarkaas wuxuu soo afjaray hakad dhowr maalmood socday oo ku yimid iska horimaadka tooska ah ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan, wuxuuna sababay in Washington ay dib u bilowdo duqeymaha gudaha Iiraan.

    Weerarkaas wuxuu sii adkaanayaa in la sharxo haddii mudnaanta Tehran ay ahayd in la gaaro xabbad-joojin. Hase yeeshee, haddii hoggaamiyeyaasha Iiraan ay rumaysan yihiin in iska horimaad xaddidan oo la xakamayn karo uu siin karo awood dheeraad ah oo gorgortan ah, markaas go'aankaasi wuxuu noqon karaa mid la fahmi karo.

    Mid ka mid ah sharraxaadaha suurtagalka ah ayaa ah in Tehran ay aaminsan tahay in inkastoo uu halis leeyahay, dagaal xaddidan ay dani ugu jirto marka loo eego nabadda.

    Waqtigan xaadirka ah, labada dhinac midkoodna uma muuqdo in uu diyaar u yahay dagaal buuxa. Washington waxay muujisay dano yar oo ay u qabto dagaal ballaaran oo gobolka ka dhaca, kaas oo khatar gelin kara kaabayaasha tamarta, soo jiidan kara dalal kale, sare u qaadi kara qiimaha shidaalka, isla markaana culays dheeraad ah saari kara ciidammada Maraykanka.

    Dhanka kale, Iiraan sidoo kale waxay u muuqataa in ay isku dayayso in ay ka fogaato dagaal buuxa, maaddaama nidaamyadeeda difaaca cirku ay daciifeen, kaabayaasheeda warshaduhu ay nugul yihiin, dhaqaaluhuna uu wajahayo cunaqabateyn adag, taas oo sii adkaynaysa isla markaana qaali ka dhigaysa dib u dhiska dalkaasi.

    .

    Xigashada Sawirka, .

  19. Maraykanka oo ku hanjabay in uu weerari doono Iiraan iyo jawaabta ay Terhaan ka bixisay

    Warbaahinta The Wall Street Journal iyo CBS News ayaa sheegay in Maraykanku isku diyaarinayo weerar ballaadhan oo lagu beegsanayo kaabayaasha tamarta ee Iiraan, kaas oo la sheegay invuu bilaaban karo maanta ama berri, islamarkaana ay suurtagal tahay in Israa'iil ay qayb ka noqoto.

    The Wall Street Journal waxay sheegtay in Madaxweyne Donald Trump uu amar ku bixiyay weerarradaas, halka CBS News ay werisay in amarka kama dambaysta ah aan weli la soo saarin.

    Iyagoo ka jawaabaya arrintaas, ayaa mas'uuliyiinta Iiraan waxa ka digeen in weerar kasta oo hor leh oo lagu qaado dalkooda lagaga jawaabi doono falcelin ballaadhan, waxayna sheegeen in sii socoshada weerarrada Maraykanku ay “sii adkayn doonto xanibaadda Marinka Hormuz.”

  20. Subax Wanaagsan!

    Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da. Halkan waxa aan idiinku soo gudbin doonnaa wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda Bariga Dhexe, Soomaalida iyo adduunyada inteeda kale.