BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Muxuu yahay isbahaysiga cusub ee badda ee Soomaaliya qaybta ka tahay Sacuudiguna hoggaaminayo?
Ku-dhawaaqiddan ayaa timid xilli gobolku uu wajahayo weerarro iyo khataro sii kordhaya oo lala beegsanayo maraakiibta ganacsiga, kuwa qaada tamarta, iyo xarumaha badda dhexdeeda ku yaalla, taas oo dhalisay walaac laga qabo in carqalad ku timaaddo mid ka mid ah marinnada biyaha ee ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah.
TOOS, Maraykanka oo qorshaynaya weerar ballaadhan oo dhan ah Iiraan iyo Tehraan oo xidhitaanka Marinka Hormuz sii adkaynaysa
Madaxweyneha Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu Iiraan ku qaadi doono weerarro uu ku tilmaamay "kuwo aad u daran" iyo Iiraan oo dhankeeda ka jawaabtay.
Sidee ayey hay'adaha Mareykanka dib ugu hagaajin karaan dhaawicii uu Trump u geystay dimuqraadiyadda? - maqaal lagu daabacay Foreign Policy
Su'aasha ugu muhiimsan ee hortaalla Maraykanka ma ahan oo kaliya natiijooyinka doorashooyinka dhexe ama cidda beddeli doonta Donald Trump, ee waa inta ay gaarsiisan yihiin awoodaha hay’adaha dowaldda ee dib loogu hagaajin karo dhaawaca uu Trump u geystay dimuqraadiyadda iyo sumcadda dalka sida uu qoraagu sheegay.
Dagaal 'ka qarxay' gobolka Tigray ee itoobiya iyo TPLF oo ku eedeysay Addis Ababa 'duulaan cusub'
Mas'uuliyiinta gobolka Tigrayga ayaa maanta shaaciyay in dagaal uu ka qarxay Galbeedka Tigrayga, iyagoo ku eedeeyay Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) inay qaadeen weerar militari oo cusub.
Sidee ayay Mossad hawlgallada uga fulisaa gudaha Iiraan?
Cali Larijani ayaa dagaalkii 12-ka maalmood socday ka dib sheegay in qof ka tirsan Mossad uu la soo xidhiidhay, isla markaana uga digay in uu haysto oo keliya 12 saacadood oo uu kaga baxo Tehran ama Iiraan; haddii kale uu la kulmi doono "masiir la mid ah kan saaxiibbadiis."
Maxaabiis dil ku xukuman oo ku jira jeelasha Sucuudiga oo BBC soo wacay
Tobannaan Itoobiyaan ah ayaa sugaya in lagu fuliyo xukun dil ah – qaar ka mid ah ayaa BBC soo wacay si ay uga sheekeeyaan xaaladda ay ku jiraan.
Sababta dagaal xaddidan oo uu Maraykanka la galo uu Iran uga habboonaan karo nabad
Dhab ahaantii, Tehran waxay u muuqataa inay rumeysan tahay inay weli leedahay awood ay wax ku saameyso.
Cod, Dhegeyso: Hiba Nuura oo BBC uga warrantay taariikhda Axmed Cali Cigaal oo Mareykanka ku geeriyooday
Fannaanka ayaa la sheegay inuu qorsheenayey inuu ka qeyb-galo xafladda sanad-guurada maamulka Puntland oo la xuso bisha Agoosto sanad kasta.
Sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil aysan dib uga bixi doonin Qasa ilaa ay dhacdo hub-ka-dhigis “dhab ah” oo ay sameyso Xamaas
Xalay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la gaaray heshiis dhigaya in gebi ahaanba hubka laga dhigo Xamaas iyo dhammaan kooxaha kale ee hubeysan ee Gaza, isla markaana ciidamada Israa'iil ay ka baxaan Marinka Gaza.
FIFA ''Qofna ma iibinayo kubbada cagta''
Hay'adda maamusha kubadda cagta ee FIFA ayaa qorsheyneysa inay sii waddo habka wadatashiga, ka dib markii UEFA ay ku hanjabtay inay qaadacayso Koobka Adduunka.
Jaceylkii Maryan Mursal iyo Axmed Cigaal iyo heybsooca guurka Soomaalida
Jaceylkii Boodhari iyo Hodan, waa sheeko jaceyl tan ugu caansan Soomaalida dhexdeeda. Laakiin ma ahan sheekada jaceyl ee keliya ee Soomaalida ee caan baxday. Waa sheeko kale iyo jaceylkii Maryan Mursal Ciise iyo Axmed Cali Cigaal.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
Fan iyo Dhaqan
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Tomahawk, Patriot and THAAD: saddexda hub ee muhiimka ah ee ka dhamaanaya Maraykanka
Maamulka Trump ayaa dhacdadani ku tilmaamay inay qayb ka tahay istiraatiijiyad lagu soo nooleynayo warshadaha Mareykanka, laguna xoojinayo awoodda dagaal ee dalka.
Maxaa lagu heshiiyey kulankii qarsoonaa ee Trump iyo Netanyahu?
Netanyahu ayaa sheegay in uu kulan "aad u wanaagsan" uu la yeeshay Trump, isla markaana ay diiradda saareen hadafka ay wadaagaan
Waa maxay Uranium-ka la xoojiyay? Maxayse muran ugu keenaysaa heshiiska nukliyeerka ee Mareykanka iyo Sacuudiga?
Wasaaradda Tamarta ee Mareykanka ayaa sheegtay in heshiiska labada dal uu yahay mid ballan qaad ah in tiknoolajiyadda nukliyeerka loo isticmaali doono nabadda oo kaliya, ee aan loo isticmaalin hub.
Netanyahu oo Mamdani eedeyn cusub u jeediyay kadib markii loogu hanjabay in la xiri doono
Mamdani ayaa ka noqday hanjabaadahaas todobadkii la soo dhaafay, isaga oo sheegay in uusan fahan buuxa ka haysan awoodahiisa sharci ee uu ku xiri karo Netanyahu.
Trump: Madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha ayaa ii sheegay inaysan hub ka iibin doonin Iran.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynayaasha Shiinaha iyo Ruushka, Xi Jinping iyo Vladimir Putin, ay u xaqiijiyeen inaysan hub ka iibin doonin Iran.
Xiisad cusub iyo Bariga Dhexe: Xuutiyiinta oo sheegtay inay beegsadeen Sacuudiga
Subaxnimadii Sabtida hore, warbaahinta Ansarollah ee Xuutiyiinta ayaa Telegram ku sheegtay in "weerar gantaal oo Yemen ka yimid" uu sababay dab ka kacay magaalada magaalada Jizan ee Sacuudiga.
Maxaa keenay in saacaddu noqoto 60 daqiiqo, maxaase keenay inay fashilmaan dadaalladii lagu doonayay In loo beddelo 100 daqiiqo?
Nidaamkan cusub wuxuu sidoo kale Faransiiska ka go'doomiyay dalalkii deriska ahaa. Dadka ku nool miyiguna waxay ka cabanayeen in maalinta nasashadu ay imanaysay hal mar oo keliya tobankii maalmood.
Maxay dumarku u leeyihiin awood ay ku arkaan midabbo aysan arki karin dadka kale?
Dadka intooda badan waxay leeyihiin saddex nooc oo unugyo gaar ah oo loo yaqaan unugyada arka midabada, kuwaas oo ku yaalla xuubka dambe ee isha. Mid kasta oo ka mid ah unugyadan wuxuu ka jawaabaa hirar gaar ah oo iftiin ah, kuwaas oo inta badan u dhigma midabbada casaanka, cagaarka, iyo buluugga.
Waa tuma Afrah Al-Zuba, haweeneydii ugu horreysay ee madax ka noqota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Yemen?
Magacaabista Dr. Afrah Abdul Aziz Al-Zuba oo loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa dhalisay xiiso ballaaran oo loo qabo Yemen, maadaama ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee jagadan qabata tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Yemen sanadkii 1990.
Trump oo shardi adag ku xiray dhaqangalinta heshiiskii tamarta nukliyeerka Niyukleerka ee sacuudiga uu la galay
Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo la sheegay inuu u oggolaanayo boqortooyada Khaliijka inay horumariso barnaamij tamarta nukliyeerka ee rayidka.
Maxay Iiraan khatar weyn ugu gelaysaa Marinka Hormuz?
Midkoodna doorashooyinka horyaalla hoggaanka Iiraan ma bixinayo waddo cad oo guul lagu gaadhi karo, iyadoo colaadda kala dhaxaysa Maraykanka ay sii socoto.
Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay 'go'doomin dhanka badda ah' oo lagu soo rogay Sacuudi Carabiya
Xuutiyiintu waxay sheegeen in xayiraaddu ay si degdeg ah u bilaabanayso, isla markaana ay tahay jawaab u ah xayiraad ay Sacuudigu saareen dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee Yemen.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 3 Agoosto 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 31 Luulyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 31 Luulyo 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 30 Luulyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.














































































